Maxkamad ku taal Pakistan ayaa markale sheegtay in baaritaan kadib Imran Khan iyo xaaskiisa lagu helay kiis musuq maasuq ah iyadoona lagu riday xukun xabsi ah oo ka badan muddo 10 sanoayaa.
Sida uu daabacay wargeyska Evening Standard iyo kuwa kale fara badan oo ka soo baxa qaarada Aasiya R/Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa markale lagu xukumay muddo 14 sano oo xarig ah waliba isaga iyo xaaskiisa xilli Khan horay usoo qaatay xabsiyo kala duwan oo dhowr ah.
Ninkan ayaa Jailka ku jiray tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii 2023, waxaana lagu eedeeyay ku dhawaad 200 oo kiis balse xisbigiisa ayaa sheegay in xukunkii ugu dambeeyay loo adeegsaday in lagu cadaadiyo inuu ka baxo siyaasada isaguna uu midaas ka biya diiday.
Shaqsiyaadka ka howgalada maxkamadda la-dagaalanka musuq-maasuqa Pakistan ayaa isugu timid xabsiga uu Khan ku xiran yahay ee ku dhow caasimadda Islamabad, iyadoona halkaas kula riday xukunkii ay usoo saareen waxaana midaan markale la saadaalinayaa iney ka dhalan doonto caro bulsho dalkana uu marti galin karo dibad baxayo balaaran oo hor leh.
FAAFREEB PRO