Reer yurub ayaa ka baqanaya soo laabashada Donald Trump iskuna dayeysa iney dhisato isbeheysiyo cusub oo idifaac kaas oo ay kaga madax banaanaanayaan kuwa uu Mareykanku lugta ku leeyahay, waa qodobka xiga ee aan maanta kusoo qaadan doono xubinta.
Sida uu daabacay wargeyska Al-Sharqul Awsat dowladaha reer yurub ayaa intooda badan aaminsan in soo rogaal celinta Donald Trump ee xafiiska aqalka cad ay tahay mid mugdiyoon doonta masiirka reer galbeedka, marka laga hadlayo xaga caskariga iyo dhanka dhaqaalaha intuba.
Wasiirka difaaca Faransiiska oo kale waxa uu wadamada reer yurub ugu baaqayaa in feejignaan ay muujiyaan maadaama uu soo rogaal celiyey Donald Trump, xaalada Mareykankuna ay kasii adkaan doonto sidii ay ahayd muddo xileedkii hore ee Trump.
Waxa uu wasiirka difaaca xukuumada Paris kula talinayaa reer yurub iney gaaraan madaxbanaani difaac oo ballaaran, xitaa hadii xafiiska aqalka cad uu ka tago Donald Trump taasoo muujineyso sida dalalka galbeedka ay u saluugsanyihiin iney kusii hoos jiraan xeyndaabka iskaashiga Militari ee Mareykanka.
FAAFREEB PRO