Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ee Yemen ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in ay hakiyeen weerarradii ay ku qaadaan maraakiibta xiriirka la leh maamulka yuhuuda ee mara Badda Cas, inta lagu guda jiro xabbad joojinta dagaalka Gaza.
Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in talaabadaan ay ku joojinayaan weeraradooda ay wadi doonaan waji kasto oo kamid ah 3 waji ee uu ka koobanyahay heshiiska xabad joojineed ee Qaza kaasoo u dhexeeya kooxaha muqaawamada iyo maamulka gumeystaha yuhuuda.
Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaadayay maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ee Baabal Mandab, waana tan iyo bilwogii howgalka duufaanta Al-Aqsa, taasoo sida lawada ogyahay naafeysay dhaqaalihii sahaayinadaiyo galbeedka, hakadna galisay isku socda maraakiib siday malaayiin dollar.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale marar badan weeraro gantaalo ah iyo kuwa diyaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday deegaanada yuhuuda, waxayna sidoo kale hada u muuqda in sidoo kale ay beegsiyadaas joojin doonaan ilaa inta ay jirto xabad joojinta.
Maraakiibta xuutiyiinta ku beegsadeen Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxaa ku jiray kuwo laga lahaa dalalka reer yurub, halka taa badalkeed maraakiibta reer Aasiya sisda kuwa Shiinahana ay qaab nabdoon ku marayeen halkaas, arinkaas oo si aad ah kaga careysiiyey Mareykanka iyo xalafadiisa reer yurub.
FAAFREEB PRO