Duulimaadyada Soomaaliya oo Wali Xayiran

Jan 23, 2025

Duullimaadyadii Soomaaliya ayaa weli xayiran kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya ay shalay arbacadii dhaqan-geliyeen shaqo-joojin ay ku dhawaaqeen, kadib markii kooxda ridddada Soomaaliya ay kusoo rogtay lacago is-biirsaday oo baad ah.

Kooxda riddada Soomaaliya ayaa sharikadaha diyaaradaha ugu hanjabtay haddii ay lacagahaasi baadda ah bixin waayaan in ay waayi doonaan ruqsadaha shaqo, sida uu warbaahinta u sheegay Xasan Xaashi oo ah Guddoomiyaha dalladda ay ku mideysan yihiin maamullada shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in shaqa-joojintan ka dhalatay lacagaha baadda ah ee lagu soo rogay Sharikadaha diyaaradahu ay sababtay in boqollaal qof oo rakaab ah ay Arbacadii shalay ka baaqdaan safarradoodii ay dalka ku iman lahaayeen ama ay kaga bixi lahaayeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen bukaanno u socday cisbitaallada iyo dad ganacsato ah.

Geesta kale Afhayeen u hadlay sharikadaha diyaaradaha ayaa shaaca ka qaaday in hey’adda riddada ee duulista rayidka ahi ay dhinaca kalena ka been-sheegtay tirada diyaaradaha dalka ka shaqeeya.

Ilaa hadda kooxda riddadu kama aanay hadal, waanay ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso waxa ay yihiin lacagahan baadda ah iyo sababta loo soo rogay. Sidoo kale xiriirro ay qaybo ka mid ah warbaahintu la samayeen hey’adda riddada ee duulista rayidka ah kama aysan jawaabin.