Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa nin shacab ah oo ay ciidanka kufaarta Afrikaanta Uganda ay ku dileen magaalada Buulo Mareer ee gobalka Sh-hoose.
Meydka ninkaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay isagoo yaala gudaha magaalada, waxaana ciidanka Uganda ninkaan kasoo kaxeeyeen beer uu kaga sugnaa magaalada, iyagoona ku toogtay afaafka hore ee beerta.
Waxaa gudaha Buula Mareer isugu soo baxay tobaneeyo dad ah oo la amakaaga falkan guracan ee ay ku keceen gaaladan.
Mid kamid ah cuqaasha magaaladaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay sida ay wax u dheceen isagoona dareen waramayey waxa uu yiri:
Gaalada midibada kala duwan leh ee duulaanka ku joogta dalkan muslimka ah ee Soomaaliya ayaa marwalba sidan falal argagax leh waxa ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana horay gudaha Buula Mareer iyo deegaanada hoos taga horay looga diiwaangaliyey tacadiyaan ka naxdin badan midkan hadda dhacay.