Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) oo ah guddoomiyaha magaallada Qandala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyey in fiidkii xalay ay dhacday duqayn diyaaradeed oo ay ku dhinteen 4 qof, 6 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ahaa isku qoys sida uu carabaabay.
Mas’uulkani ma uu sheegin, waanu ka gaabsaday cidda geysatay duqayntaasi, balse ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay fuliyeen duqayntaasi lagu xasuuqay shacabka reer miyig ah.
Maamulka Puntland ayaa ka mida maamullada daba-dhilifka ah ee ka jira Soomaaliya ee gacan-saarka la leh dawladaha shisheeye ee duullaannada kala duwan ee ashahaado-la-dirirka ah kusoo qaaday dadkan muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.