Mid kamid ah shirkada Technology-yada Shiinaha ayaa dhulka la gashay Company-yo jiray muddo sanado ah, kana careysiisay reer yurub iyo Mareykanka.
Sida saacadihii lasoo dhaafay jaraa’idyada caalmka midka aad booqataba aad ku arkeyso bogiiga ugu horeeya, waxaa dowladda Shiinaha soo saaraty garaad macmal ah oo ay ugu magac dartay DeepSeek, waa madal kuu qabaneysa shaqooyin kala duwan, sida iney kuu diyaariso qoraal walba oo aad aad doonto, iney kuu sameyso baxthiyada, inaad la sheekeysato sida binii aadamka oo kale aadna weydiiso su’aasha aad rabto, iyadoo ku siineysa aaladan jawaabta ugu haboon iyo halka ay kasoo xigtay.
Hadaba tani ma ahan mid dunida ku cusub oo sanadii ugu dambeeyey waxay isa soo tarayeen garaadka macmalka qabanaya shaqooyinkan oo kale, balse waxa hadal heynta dhaliyey misana burburka ku keenay dhaqaalaha shirkado badan oo Ameerikaan ah waa in DeepSeek uu gabi ahaanba intaas oo shaqo ah uu kuugu qabanayo qaab bilaa lacag ah, halka kuwa Mareykanka iyo reer yurub ee la midka ah kani lagaa qaadayo lacago qiima ahaan sareeya.
Waxaa saacado guhood dhaqaalohoodii uu dhulka galay Kambaniyo waaweyn oo soo saara garaadka macmalka oo luqada qalaad lagu yiraahdo Artificial Intelligence oo loo soo gaabiyo Ai, waana ujeedkii ugu weynaa ee uu lahaa Shiinaha.
Boqolaal kun oo saami ayaa durbadiiba lagala baxay shirkadaha Mareykanka oo ay ugu horeyso Open Ai oo soo saarta garaadka macmlka ah ee ChatGpt, tani ayaana lagu tilmaamay saami burburkii ugu xooganaa ee xaga Technolgy Industry ka dhaca sanadihii ugu dambeysay, marka laga hadlayo loolanka Shiinaha ee reer yurub xaga caalamka Technology-yada.
Hadal heynta ayaana noqotay maxay tahay sababta aan shirdaha Mareykanka u siineyno wax qarash ah hadii ayba DeepSeek wax walba oo aan dooneyno inoogu qabaneyso qaab bilaal lacag ah, tan midaas kasii muhiimsan ee sabatay in macaamiil badan ay durbadiiba aaladan yeelato ayaa ah in lagu adeegsan karo qaab Offline ah xitaa hadii aad ka maqantahay Internet-ka, waana qodob uu uga duwanyahay aaladahan kale garaadka macmalka ah, waxaana macquul ah inuu xitaa badalo baraamijka Wiki Pidiaw aa sida ay xoguhu sheegayaane, walow hada uusan wadamada qaar sida Soomaaliya oo kale uusan soo gaarin qebta Offline-ka.
Sidaas ayey DeepSeek jilbaha dhulka ugu dhufatay shirkadihii xaga Technology-yada Mareykanka iyo reer galbeedkuba, waxaana durbadiiba lagu waramayaa in Mareykanka shiradihii ku howlan arimahan ay qasaareen aduun lacageed oo gaaraya ilaa 500 Bilyan oo Dollar.
Trump oo kaa aamusi waayey talaabadan uu Siinaha qaaday iyo aaladan cusub ee uu soo saaray ayaa saacadihii lasoo dhaafay jeediyey hadal u uku weerarayo xukuumada Beijing, isagoo dhanka kale diginin feejignaan ah u diray shirahada xaga Technology-yada Mareykanka.
FAAFREEB PRO