Nidaamkii Biden oo la Sheegay Inuu Qorsheynayey Dilka Putin.

Jan 28, 2025

Markan qodobka xiga xubinta, nidaamkii Biden ee xilka ka dagay ayaa lagu waramayaa in uu waday qorshe la doonayey in lagu qaarijiyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, taasoo durbadiiba warbaahinta caalamka ka dhalisay guux xoogan.

Sida ay saacadihii lasoo dhaafay daabacayeen jaraa’idyada ugu waaweyn caalamka Tucker Carlson oo ah fallanqeye iyo suxufi jamhuuri oo Putin ka qaaday waraysigii u dambeeyay uu siiyey wariye Mareykan iyo guud ahaan reer galbeedka ayaa saacadihii lasoo dhaafay daaha ka rogay in maamulka Biden uu isku dayey inuu gabi ahaanba ka taqaluso madaxa xukuumada Mosocw.

Waxa uu wariyahan isagoo wareysi bixinayey ku sheegay in arinkan uu gadaal ka riixayey xogayihii hore ee arimaha dibada Mareykanka Antony Blinken, waxa uuna intaas ku datay in Blinken uu xitaa sidoo kale hurinayey dagaallo kale oo dhowr ah.

Waxa uuna yiri Tucker Carlson “Antony Blinken wuxuu riixayay dagaal dhab ah xitaa waxay isku dayeen inay dilaan Putin” .

Wariyahan ayaanan bixin wax faahfaahin ah oo intaasi ka baxsan balse midan ayaa daaha ka rogtay heerka xiisada u dhexeysay nidaamkii Biden iyo Putin, sida ay saraakiisha ugu sareysay dimuquraadiyiinta ay daneynayeen in nafta dhaafiyeen madaxa xukuumada Moscow.

FAAFREEB PRO