Maamulka yuhuuda ayaa wada qorshe hor leh oo uu ku doonayo inuu kusoo cusbooneysiiyo mudooyinka dhow dagaal kale oo uu la galo kooxaha muqaawamada Filistiin ee uu horay u loodin waayey.
Sida uu baahiyey joornaalka cibriga ah ee Israel Al-Youm xukuumada Binyamin Natanyaahu ayaa wada olole hor leh iyo baaqyo ay ku boorineyso dagaal hor leh oo ay la gasho kooxaha wax iska caabinta garabyadooda kala duwan, iyagoo sheegay in hadda ay heystaan waqti ay kusoo kaban karaan waa sahaayinada ee.
Waxa ay jariiradu tibaaxeysaa in kooxaha muqaawamada Filistiin kaliya aysan maanta ahayn urur dagaal, balse ay ku xoogesteen jaanib walba oo kamid ah siyaasada Filistiin, sidaa darteedna ay u haboontahay in mardhow la galo dagaal kale oo loogu tala galay in lagu soo afjaro kooxahan, waa sida halka loo dhigee.
Xogta wargeyska oo sii soocta ayaa tibaaxeysa in sahaayinada ay u haboontahay iney dajiyaan qorshe ka duwan midkii ay ku howgalayeen waayihii dambe ee ay ku wajahayeen kooxaha muqaawamada, maadaa kuwaas ay yihiin kuwa u horseeda halaag iyo burbur baahsan.
Hadaba su’aasha la isweydiinayo ayaa ah Binyamin Natanyaahu iyo xukuumadasiisa ma dhaleyska ah ee hadda sii kala furuaneysa, si awood leh maku wajihi doonaan cududa muqaawamada ee ay 15 bilood ku loodin waayeen bacaadka Qaza mise waxaa markan dhabarka loo saarin doonaa halaag ka xoogan midkii hore, waasa la sugi doonaa wixii saaxado ay diiwaangaliso hadii sahaayinadu ay ku dhaqaaqan midan.