Sweden ayaa ku eedeysay inay Iran masaajida ay ku cibaadeystaan Shiicada u adeegsato goobo ay ka fuliyaan howlo xasaasi ah oo ka dhan ah dwoladda Swedan iyo shacabkeeda.
Sida saacadihii lasoo dhaafay ay baahinayeen joornaalada Swedesh-ka ay xukuumada Stockholm ayaa Tehran ku eedeysay in masaajida ay ku cibaadeystaan Shiicada ay u adeegsato goobo ay ka fuliso howlo basaasnimo halis ah oo ay ku beegsaneyso bulshada wadankaas iyo gurba joogta kale.
Wasiirka arrimaha bulshada Sweden Jakob Forssmed ayaa usoo jeediyay hay’adda nabad-sugidda inay baaritaan iyo qiimeyn ku sameyso Masjidka Imaam Cali oo ku taalla magaalada Stockholm oo uu ku sheegay inay ka socdaan falal wax u dhimaya amniga.
Arinkan ayaa noqonaya mid ugub ah ay dowladda Iran looga fadhiyo jawaabteeda maadaama xukuumada Swedan wixii hadda ka dambeeya ay sheegtay iney ila gaar ah iyo baaritaano joogta ah ay ku wadi doonto goobaha masaajida ah ee ay ku suganyihiin Shiicada Iran.
FAAFREEB PRO