Xoogagga Muqaawamada Falastiin ayaa ahaa jihadii ugu horraysay ee sida adag uga falciyay go’aanka cadaawadda muujinaya ee Trump uu kasoo saaray magaalada Washington.
Imaarada Islaamiga Afghanistan oo taariikh soo jireen ah uleh ladagaallanka soo duulayaasha reergalbeedka ayaa si adag uga hadashay qorshaha Trump ee ku wajahan reer Qaza.
Bayaan cara leh oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in warka kasoo yeeray Mareykanka uu yahay mid halis ku ah umadda Islaamka meel walba oo ay ku sugantahay.
“Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay caddeymihii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Trump madaxweynaha Mareykanka ku tilmaamaysaa xadgudub cad oo ka dhan ah muslimiinta, dhulalka Falasdiin ma ahan kuwa sinna lookala goyn karo waa dhulal ay leeyihiin shacabka Falasdiin cid kalana xaq umalahayn in ay masiirkooda go’aamiso” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaarada Islaamiga ah.
Imaarada Islaamiga ah waxay dowladda Mareykanka iyo kiyaanka Sahyuuniga ku tilmaamtay kuwa ahlu shar ah oo doonaya in ay qabsadaan dhulalka muslimiinta waxayna ugu baaqday muslimiinta in ay si adag uga dhiidhiyaan qorshayaashan dhagarta ah ee lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Qaza.
Barakicinta shacabka Falasdiin ayay imaarada Islaamiga ah ku sheegtay fal dambiyeed aan looga hari doonin mujrimiinta ku howllan, xalay ayay aheyd markii uu Donald Trump iclaamiyay in ay lawareegi doonaan marinka Qaza kadibna ay barakicin doonaan shacabka muslimiinta ah ee magaaladan deggan.