Wargeyska The Peninsula ee kasoo baxa dalka Qadar ayaa nashiriyey warbixin uu kaga hadlayo dowladda Qatar ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay isu diyaarinayso wejiga labaad ee wada xaajoodka heshiiska xabbad joojinta ee Marinka Gaza, xilli midii Koowaad dhaqan galkiisa uu kasoo wareegtay waqti gaaraya ilaa 18 maalmood.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Maajid Al-Ansari ayaa hadal uu jeediyey waxa u uku yiri “Waxa aanu isu diyaarinayna wejiga labaad ee wada xaajoodka, kaas oo la qorsheeyay in uu bilowdo dhici karana maalin kasta” taasoo ka dhigan in uusan jirin waqti cayiman oo ay ugu tala galeen.
Waxa uu ninkan hadalkiisa ku daray in wajiga Labaad ee xabad joojinta uu Qaza u horseedi doono barwaaqyo iyo dhismo qurux badan, noloshuna ay noqon doono mid sideedii hore kusoo laabata oo ka fog xaalada kala duwan ee qalalaasaha.
Heshiiskan ayaa dhaqan galay 19-kii Janaayo ee sanadkan 2025, wuxuuna ka kooban yahay 3 weji mid walbana sida aan la socono wuxuu qaadanayaa 42 maalmood oo xiriir ah, balse waxay hadda su’aasha ka taagantahay miyuu suu jiri doonaa, marba hadii madaxa Mareykanka uu usoo hanqal taagayo qaadashada Qaza-da dadkeedu ay u baahanyihiin.
FAAFREEB PRO