Koox Hubaysan oo Weerartay Maleeshiyaatka Puntland iyo Galmudug ee Ku Sugan Gaalkacyo

Feb 10, 2025

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya dagaal culus oo xalay ka dhacay magaallada Gaalkacayo, kadib markii koox hubaysani ay weerartay maleeshiyaad isku-dhaf ah oo ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa sida lagu soo warramayo qaatay saacado badan, waxaana dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayaan laga maqlaayay xaafadaha magaallada.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in dagaalkan ugu yaraan lagu dilay 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka isku-dhafka ah, tiro kalena lagu dhaawacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askariga dhintay oo magaciisa lagu sheegay Cabbaase, uu si gaar ah uga tirsanaa maleeshiyaadkii ka socday dhinaca maamulka Galmudug.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee maamullada Puntland iyo Galmudug, balse dagaalkan ayaa loo badinayaa inuu salka ku hayo colaadda beellaysan ee ka dhisaalan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dhiillo colaadeed ayaa lagu soo warramayaa in saaka laga dareemayo magaallada Gaalkacayo, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ay samaynayaan maleeshiyaad iska soo hor-jeeda oo ka kala tirsan labo beellood oo walaalo ah oo in muddo ah ku dirirsanaa deggaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Muddo Bil ku siman ayaa kasoo wareegtay markii dablay hubaysani ay weerar culus ku qaadday xabsiga magaallada Gaalkacayo, kaas oo geystay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo weliba burbur hantiyeed.

Colaaddan aan dhammaadka lahayn ee beellaha walaalaha ah ayaa hurinteeda lagu eedeeyaa maamullada daba- ridada ah ah ee Puntland iyo Galmudug, oo ku hawlan fulinta danaha gaalada oo ah kala qoqobka iyo isku-dirka beellaha muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.