Saraakiisha sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Cali Khamenei usoo jeediyay inuu meesha ka saaro fatwada mamnuuceysa heysashada hub nukliyeer ah.
Sida uu daabacay joornaalka The Telegraph xubno sar sare oo ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran ayaa usoo jeediyay hoggaamiyaha guud Iran Cali Khamenei inuu meesha ka saaro fatwadii uu horay ugu mamnuucay inay xukuumada Tehran heysato hub nukliyeerka taasoo hadda kasoo wareegatay sanado fara badan.
Khamenei ayaa sannadkii 2005 intii lagu jiray heshiiska caalamiga ah ee hay’adda xakameynta habka nukliyeerka ee IAEA, waxa uu saxiixay sharci si guud u diidaya in Iran ay sameysato ama ay heysato hubka laayaanka ah ee Nukliyeerka.
Tan iyo waagaas Tehran isku day mooyee wali majiraan wax ay gacanta ku dhigtay, saraakiisha kacaanka Iran ayaana hadda dalbanaya in fatwadan meesha laga saaro si ay u adeegsadaan hubka nukliyeerka hadii ay dharbaaxo culus uga timaado dhanka galbeedka uu loolanka adagi kala dhexeeyo.
FAAFREEB PRO