Wefti uu hoggaaminayo C/Raxmaan-Cirro oo ah madaxweynaha maamulka riddada ah ee la baxay Somaliland ayaa galabnimadii shalay diyaarad khaas ah kaga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaallada Hargeysa.
Weftigan oo Cirro ay ku wehelinayaan 4 wasiir iyo madaxa xafiiskiisa ayaa ka qayb-geli doona Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadkan 2025 oo ka dhici doona Magaalada Dubay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.
Murtad Cirro ayaa si rasmiya loogu marti-qaaday ka qayb-galka shirweynaha dawladaha adduunka ee 2025 oo 11-ka ilaa 13-ka bishan February ka dhici doona magaallada Dubay. Waxaanu halkaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa sida uu shaaciyey 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) oo ah afhayeen Madaxweynaha maamulka ashahaada-la-dirirka Somaliland.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Murtad C/Raxmaan-Cirro uu goor dhawayd khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirkaasi oo maanta furmay, isagoo sheegay in la gaadhay waqtigii caalmaka ka garaabi lahaa in Somalilaand noqoto waddan madax badaan oo beesha caalamka ka mid ah, isla markaana ay dawladda Maraykanka ka rajaynayaan inay noqoto dawladda ugu horreysa ee aqoonsata.
Waxa kale oo murtad Cirro kusoo hadal-qaaday khudbaddan uu maanta ka jeediyey shirweynahaasi caalamiga ah in sannadkan gudihiisa ay dhamaystirayaan heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muuse Biixi uu la galay Abiy Axmed ee lagu dhaxal-wareejinayay Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.
Geesta kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda riddada ee Imaaraatka Carabtu ay madaxa kooxda riddada Soomaaliya Xasan Gurguurte u diidday inuu ka qayb-galo shirkaasi caalamiga ah oo maanta ka furmay magaallada Dubay.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in Xasan Gurguurte uu saacadihii u dambeeyey ku jiray dedaallo ku aaddan sidii dawladda Imaaradka Carabta looga ergeyn lahaa, si uu shirkaasi uga qayb-galo, balse ilaa hadda lama sheegin wax aqbalaad ah oo loo fidiyey Murtad Gurguurte.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Sheekh uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Amiirka Dalka Qadar kaasoo uu u gudbiyey cabasho ka dhan ah marti-qaadka Cirro ee Magaaladda Dubai uu kaga qayb-galayo shirkan ay isugu yimaaddeen madax ka kala socota caalamka.