Dab Khasaare Geestay oo Ka Kacay Suuq Ku Yalla Magaallada Qabri Bayax

Feb 12, 2025

Dabkan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa gelinkii dambe ee shalay ka kacay magaallada Qabri Bayax oo ka tirsan gobolka Faafan oo ka mida dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya.

Dabkan oo muddo dhawr saacadood ah socday ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare baaxad leh oo isugu jira hanti fara badan oo burburtay iyo weliba hal qof oo ku dhaawacmay.

Ugu yaraan 12 Meheradood ayaa ku basbeellay dabkaasi, sida uu sheegay Eng Khaalid Maxamed oo ah duqa maamulka riddada ah ee magaallada Qabri Bayax.

Meheradahan gubtay ayaa intooda badan waxaa iska lahaa ganacsatada Soomaaliyeed, balse waxaa jira sida ay wararku sheegayaan meherado aan badnayn oo ay lahaayeen qoomiyadaha kale ee Itoobiya.

Daminta dabkan waxaa gacmahooda ula tagay dadweynaha magaallada, kadib markii ay wax gurmad ah ka waayeen maamulka deggaankaasi ee daba-dhilifka u ah Xabashida Itoobiya.

Dhawr jeer oo hore ayaa sidan oo kale uu dab xooggani uga kacay magaallada Qabri Bayax oo 50 KM u jirta magaallada Jigjiga, waxaanay bulshada magaalladu cabasho xooggan ka qabaan in haba yaraatee aanu jirin wax qorshe ama diyaar-garow ah oo maamulka riddada ee deggaankaasi uu ka leeyahay in uu wax kaga qabto dabkaasi mararka badan soo noqnoqday.

Sagaal cisho ka hor ayay ahayd markii dabkan oo kale uu ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaallada Hargeysa, waxaana ilaa hadda aan la sheegin waxa sababaya dabkan xadhkaha goostay ee sida gaarka ah ugu soo laalaabayana guud ahaan suuqyada Soomaaliyeed.