Vladamir Putin iyo Donald Trump oo la Qorsheynayo Iney ku Kulmaan Sucuudiga.

Feb 13, 2025

Sida ay baahiyeen joornaalada ugu waaweyn gudaha bariga dhexe iyo kuwa Mareykanka sida The Hill oo kale, xukuumada Riyad ayaa martigelin doonta kulan ay yeelanayaan Putin iyo Trump , iyadoona la filayo inuu fadhigaas goobjoog ahaado dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Waxay xogto intaasi ku dareysaa in dhiancyadu waa Putin iyo Trump-mee ay doonayaan iney xooga saaraan ka hadalka qadyiyada colaadeed ee Ukrain iyo sida loo soo afmeeri karo loolanka uu Vladamir Putin kula jiro dhigiisa Vldamir zelensky.

Trump ayaa sidoo kale xalay shaaciyey inuu qadka telefoon kula hadlay Putin, uuna ka helay casuumaad rasmi ah lagana doonayo inuu booqdo gudaha caasimada Moscow, taasoo sida lagu waramayo noqon doonta dhacdo kale oo ay indhu si aad ah u heyn doonaan.

Gunaanudkii madaxa aqalka cad ayaa hadalkiisa kusoo xiray in wada hadalka inta uu socday ay isku soo hadal qaadeen xaaladda bariga dhexe, tamarta, sirdoonka macmalka ah iyo awood siinta lacagta dollarka oo waayahan dambe u muuqatay mid ay doonayeen iney dhulka la galaan ururka BRICIS ee uu majaraha u hayo Ruushka.

FAAFREEB PRO