Dhulgariir Xooggan oo Ku Dhuftay Bartamaha Itoobiya.

Feb 16, 2025

Dhulgariir cabbirkiisa lagu sheegay 6.0 aya lasoo sheegayaa in uu ruxay Itoobiya, sida ay sheegeen hay’adaha la socda dhulgariirrada. Dhulgariirka ayaa si gaar ah u saameeyay gobolka Oromiya, oo ah kan ugu weyn uguna dadka badan Itoobiya.

Sida ay sheegtay Xarunta la socodka Dhulgariirrada ee Yurub iyo Mediterranean ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (EMSC), dhulgariirkan wuxuu ahaa mid meel hoose ka dhacay, qoto dheer ahaanna gaaraya ilaa 10 km (6.2 mayl). Dad badan oo oo dhashay qowmiyadaha kunool dalak itoobiya ayaa la arkayay iyagoo baraha bulshada, gaar ahaan X ku muujiyay dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan in ehelladooda ay ka mid yihiin dadka ay saamaysay masiibadan. Illaa iyo hadda, lama soo sheegin waxyeello ba’an ama khasaaro nafeed oo dhulgariirkaasi sababay.

Gobollada Oromiya iyo Cafar ayaa muddooyinkii u dambeeyay la tacaalayay dhaqdhaqaaqo la xiriira -foolkaanooyin kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen kuwa daran, taasoo keentay in kumanaan qof ay ka qaxaan guryahooda, isla markaana ay burburaan waddooyin iyo dhismayaal muhiim ah. Dhaqdhaqaaqyadaani waxay sii xoogaysteen tan iyo bishii Diseembar, taasoo walaac xoogan ku beertay dadka deegaanka iyo khubarada la socda xaaladda.

Dhulgariirkan ayaa yimid xilli labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ay sii badanayeen dhaqdhaqaaqyada seismigga loo yaqaan ee la xiriira dhul gariirada kuwaas oo saameeyay gobollada Cafar, Amhara iyo Oromia ee dalka Itoobiya. Sida lagasoo xigtay hay’ada WHO ruxmihii ugu dambeeyay ee dhulgariirka ayaa saameeyay shagaashan kun oo qof, iyadoo la diiwaangeliyay laba qof oo dhaawac ah.