Ku dhawaad 20 qof ayaa ku halaagsantay isbuurasho ka dhacday khad tareennada laga raaco oo kuyaal wadanka Hindiya iyo digniin hor leh oo lagasoo saaray shilalka sii kordhaya.
Sida uu nashriyey wargeyska maalinlaha ah ee Al-Sharqul Awsat, ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xarun tareen oo ku taal caasimadda Hindiya ee New Delhi xilli ay ku sii jeedeen kulan diimeedka waana sida ay jariiradu kasoo xiganeyso ilo-wareedyo caafimaad.
Waxaa sidoo kale halkaas ku dhaawacmay ilaa 11 ruux oo ay qaarkood soo gaareen dhaawacyo dhanka lafaha ah, taasoo wadarta guud ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhigeysa ilaa 29 ruux oo hinduu ah.
Wadankan dhaca Koonfurta Aasiya waxaa sanad walba laga soo diiwaangaliyaa falalka isbuurashada gaar ahaan xilliyada ay dhiganayaan xafladaha iyo kulan diimeedyada baadhilka ah, hadii aad milicsato malafyada laga diyaariyey arinkana waxaa ku xisan in xiliyada qaar ay dhacdooyinkan oo kale ay ku dhintaan boqolaal ruux.
FAAFREEB PRO