Waxaa wali halkiisii ah damaca iyo hanqaltaaga ay dowladda Itoobiya ku dooneyso iney xayuubsato qeyb kamid ah badda Soomaaliya, xilli murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu bilo ka hor qalinka markale xabshida ugu duugay arinkaan.
Hadaba waxaa saacadihii lasoo dhaafay sida lagu waramayo soo afmeermay wareeggii koowaad wahdahadallo u dhexeeyey kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, kaas oo daba socdey bayaankii ay Ankara Labada dhinac ku kala sixiixdeen 11-kii Desember ee sanadkii tagay 2024.
Waxay wahdahadalladaan markale ka qabsoomeen isla gudaha dalka Turkiga gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Ankara, isagoona qaatay saacado badan laguna gorfeeyey dhinacyo badan iyadoo murtadiinta lagu qancinayo xayuubsiga dhulka Soomaaliyeed.
Guddiyo farsamo oo kala matalayey kooxda ridada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku arkay shirkan oo ay martigelisey wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, waxaana labada guddi kala hoggaaminayey wasiirka arrimaha aibedda Itoobiya Gedion Timothewos iyo dhigiisa murtadiinta ninka lagu magacaabo Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).
Warmurtiyeed kooban oo laga soo saaray gunaanudkii shirka ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo waqradihii xaaraanta ahaa ee horay loogu kala saxiixday Ankara ay gudiyadan markale isku yimaadeen si ay u meel mariyaan waxay ugu yeereen wajiga Koowaad ee heshiiska boobka ah.
Warmurtiyeedku wuxuu kale oo tibaaxay in intii lagu guda jirey wahdahadalladaan ay labada guddiba muujiyeen sida ay uga go’an tahay in sida ay tahay loo fuliyo waxyaabihii ku jirey heshiiska, taasoo muuineysa sida murtadiintu ay ugu heelanyihiin iney Itoobiyaanka hacanta u galiyaan kheyraadka wadankeena ee la ilaalinayey muddada sanadaha ah.
“Maanta intii lagu guda jiray wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta dhammaan qodobada iyo Baaqa Ankara” ayaana lagu yiri bayaanka.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in gudidu ay billaabeen in ay salka u dhigaan howsha aragtidana loogu beddalayo ficil, islamarkaana lagu hiigsanayo wax ay ugu yeereen horumar waara oo faa’ido u leh danaha dowladda Xabashida Itoobiya.
Dhanka kale wasaarada arrimaha dibada Turkiga ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay iney hantida iyo kheyraadka Soomaaliyeed ugu gacan galiso cadaw soo jireen ah oo soo xirtay shaar kale, iskuna muujinaayo mid xaq u leh inuu soo gaaro xeebaha badda cas ee Soomaaliya.
Dhanka kale dowladda ridada ah ee Turkiga waxay sideedii usii wadaa mashruuceeda sahminta shidaalka Soomaaliya, iyadoona dooneysa iney daabulato keydadka ugu muhiimsan ee saliida ceyriinka ah ee Soomaaliya iyadoo isku dhigeysa mid hormar iyo baraara gaarsiineysa dalkan.
Sida aan la socono bayaan ay soo saareen kooxdii sahminta ahayd ee kasoo baxay dalka Tukirga yimidna Soomaaliya, waxay sheegeen in gudaha wadankan ay dhaxceegaagaan baloogyada shidaal kuwa ugu qaalisan aduunka, waana sababtaas mida ay xukuumada Ankara lugta ugala bixi la’adahay dalkan, iyadoo dooneysa xayuubsiga kheyraadkeena.
FAAFREEB PRO