Abiy Ahmed oo Sheegay uusan Ka Noqon Doonin Qaadashada Bada Soomaaliya.

Oct 29, 2024

Raysalwasaaraha dowladda Xabashida Itoobiua Abiy Ahmed oo xalay ka hadlay warbaahinta dalkaas ayaa markale ku celceliyey muhiimadda ay dalkiisu u leedahay in ay gaarto badda cas oo uu ula jeedo in ay qabsanayaan qeyb kamid ah biyaha soomaaliya.

dowladda Xabashida Itoobiya waxay ku goodisay in ay qabsan doonto badda soomaaliya waqtiguba ha dheeraadee balse ay ka rumeyn doonto riyadii Minili oo ahaa boqorkii xabashida ee soo bilaabay in uu damaaciyo dhulalka soomaalida geeska afrika.

isagoo ku hadlayay luqadda amxaariga ayuu Abiy Axmed si toos ah u abaaray arrinta ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee badda soomaaliya wuxuuna shacabkiisa xabashida ugu bishaareeyay in ay usoo dhicin doonaan marin badeed sida uu ku hadaaqay.

wuxuu carrabaabay in heshiiskii xaaraanta aha ee uu lasaxiixday Muuse Biixi ay ka dhaxleen cambaareymo iyo dhaleecaynno caalami ah balse aysan arrinkaas dhegna jalaq usiin doonin oo ay sii wadayaan qabsashada biyaha soomaaliya.

Dhinaca kale Abiy ahmed markii uu ka hadlayay is afgaradkii uu lagalay mamulka ridada Somaliland ayuu sheegay in is afagaraadkaas ay weli ku taaganyihiin uuna gogol xaar unoqon doono sidii ay u gaari lahaayeen bada cas “annaga waa naga go’antahay in aan gaarno badda cas waxaa laga yabaa in aad isweydiisaan maxaa dhaqan loogu bedeli la’yahay is afagarkii aan lagalnay Somaliland, annaga degdeg nama hayso go’aankaasna waa sida aan uqaadanay”ayuu yiri Abiy Axmed.

Mas’uulka ugu sarreeya dowladda xabashida Itoobiya ayaa xaqiijinta hadafkooda qabsashada badda Cas lameel dhigay dhismaha biya xireenka alnahda oo uu sheegay in uu ahaa Riyo Itoobiyanku boqolaal sano ku taamayeen balse hadda xaqiiq noqday.

Hadalkan kasoo yeeray Abiy Axmed ayaa meesha ka saarayay dadaalladii ay dowladda Turkiga ku doonaysay in ay ku dhax dhaxaadisto kooxda Ridada iyo Itoobiya waxaana muuqata in xabashidu aysan marna wax gorgortan ah ka gelayn arrinta badda soomaaliya.