Abiy Axmad oo Quus Ka Muujiyay Xaalada Ka Taagan Gobolka Tigreega.

Feb 5, 2025

R/Wasaaraha dawladda Saliibiyada Xabashida Itoobiya ayaa warqad furan oo cataw iyo calaacal fara badani ka muuqdo u diray kooxda TPLF, oo uu cirka isku sii shareeray khilaafkii ka dhex aloosnaa labadooda garab ee ay kala hoggaamiyaan Debretsion Gebremichael iyo Getachew Reda oo ah madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigrey-ga.

Gaal Abiy Axmed oo fariintiisan ku qoray luqadda tigreega, kuna faafiyay bartiisa bulshada ayaa muujiyey welwelka iyo walaaca xooggan ee uu ka qabo dagaal hor leh oo dib uga qarxa gobolka Tigrey-ga. Isagoo tilmaamay in cabsida ka jirta deggaannadaasi ay marayso heer ay caqabad ku noqotay raadinta nolol-maalmeedkii bulshada.

Bayaan uu soo saaray isniintii lasoo dhaafay, ayuu Gaal Abiy Axmed ku xusay in dadka Tigraygu ay weli la nool yihiin orhaahyo muujinaya dhiillo-colaadeed, cabsi iyo argagax, taas oo meesha ka saartay ayuu yiri helista nabad sugan iyo xasiloonni lagu naalloodo oo ka hir-gasha gobolka.

Waxa uu sidoo kale xusay in qarniyo badan, gaar ahaan boqolkii sano ee la soo dhaafay, Tigray-gu ay si is-daba joog ah u soo noqnoqonayeen khilaafyo kala dhexeeya dawladda dhexe. Waxaanu yiri oo hadalladiisii ka mid ahaa “Dhulka Tigray wuxuu noqday goob dagaal, dadka Tigray-guna waxay noqdeen qalab dagaal,”.

Abiy Axmed, ayaa dhambaalkiisan dhiillada xambaarsan sidoo kale ku nuuxnuuxsaday dhibaatada baaxadda leh ee ka dhalatay cabsida iyo colaadda aan damayn ee ka dhisaalan deggaannadaasi, isagoo tusaale u soo qaatay hurdo la’aan uu sheegay inay ku dhacday hooyooyinka iyo tahriibka xarkaha goostay ee dhalinyarada.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha dawladda Saliibiyada ee Xabashida Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli uu marba marka ka dambaysa sii xoogaysanayo khilaafka u dhaxeeya kooxda TPLF, oo u kala jabtay laba garab, kuwaas oo qarka u saaran inuu ka dhex bilowdo hirdan ay riiqdiisu dheeraato.

Khilaafka labadan garab oo in muddo ah soo jiitamayay ayaa si cad u soo if-baxay bishii Sebtembar 2024, kadib markii garabka uu hoggaamiyo Gebremichael lagu eedeeyey inuu maleegayo afgambi ka dhan ah maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray.

Bishii Oktoobar 2024, ayuu mar kale khilaafku sii laba-laxaadsaday kadib markii kooxda uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, ay ku dhawaaqday inay xilkii ka xayuubiyeen Getachew Reda iyo afar xubnood oo kale oo ka tirsanaa maamulka ku-meel-gaarka ah.

Xiisadda ayaa haddana sii laba-kaclaysay kadib markii qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka millateriga Tigrey-ga oo intii hore dhex-dhexaad ka ahaa arrimahan ay mid ka mida labada garab dhinaca saareen kuna dhawaaqeen in la kala diro oo dib loosoo habeeyo maamulka ku-meel-gaarka ah ee gobolka