Afar Doomood oo Ay Saarnaayeen Tahriibayaal Soomaali Ah oo Lagu La’yahay Badweynta Hindiya.

Dec 24, 2024

Xaalad hubanti la’aan ah ayay ku suganyihiin dad farabadan oo soomaali ah kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay lagu waayay biyaha badweyntaha hindiya ee geeska qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in lala’yahay illaa afar doomood oo tahriibayaal soomaali ah ka qaaday xeebaha magaalada Mobaas ee dalka Kenya.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadkan lala’yahay muddo 5 maalmood ah waxaana laga cabsi qabaa in dadkaas ay ku maashoobeen badda gunteeda, dadkan tahriibayaasha ah ee lala’yahay ayaa badankood ka tagay magaalada Muqdisho waxayna kusii jeedeen jaziiradda Mayoota ee ku dhow Madagaskar balse maamul ahaan hoostagta dowladda Faransiiska.

Bishii lasoo dhaafay Musiibo ka dhacday xeebaha Jaziiraddan waxaa ku dhintay dad kabadan 45 qof tahriibayaal soomaali ah halka todobaatameeyo kale lasoo badbaadiyay.

Dhinaca kale ku dhowaad 20 doomood oo ay la socdeen kalluumeysato soomaali ah ayaa lagu waayay xeebaha magaalada Muqdisho, ilo wareedyo ayaa sheegaya in doomahan labaatanka gaaraya mid kamida uu qabtay markab dagaal islamarkaana lageeyay dalka sangabuur ee qaaradda aasiya.