Afar Marxaladood oo la Saadaalinayo Inuu Kusoo Gaba-gaboobo Dagaalka Ukraine.

Jan 26, 2025

Sida uu nashriyey wargeyska The Sunday Times waxaa jira ilaa 4 saadaalin uu lagu wado iney kusoo afmeeranto colaada lagu hoobtay ee ka dhax taagan xukuumadaha Moscow iyo Kyev kuwaas oo la saadaalinayo iney noqon doonaan kuwa aanan kawada quslin Labada dhinac.

Saadaasha koowaad waa jab ku habsada Ukrain, taasoo imaan karta hadii Ruushka uu diido wada xaajood iyo in uu yimaado miisaska wada hadalka Mareykankuna uu si kama dambeys ah uu u jarto kaalmadiisa militari.

Saadaasha Labaad waa in Ukrain lagu qasbo iney timaado miiska wada hadalka laguna cadaadiyo iney dhankeeda dagaalka joojiso kana tanaazusho dhulkeeda baaxada leh ee ay horay ula wareegeen ciidamada Ruushka.

Saadaasha Sadaxaad ee lagu wado inuu kusoo afmeermo dagaalka Ukrain waa iney dhacdo xabad joojin aanan waqti lahayn oo dhinaacyadu ay ku kala istaagi karaan, taasina waxay imaan kartaa ayaa la yiri in qola walba ay meesheeda ku sugnaato si abadi ah, midaasina waxay jab kale ku tahay Ukrain ooh adda laga heysto dhul ka balaaran midkii laga qabsaday sanadii 2023.

Saadaasha Afaraad ahna mida ugu dambeysa ee uu xusayo joornaalka The Sunday Times waa in Ruushka lagu la saaro cunaqabateen dhan walba laguna sandulyeeyo inuu heshiis aqbalo, Mareykankana uu soo celiyo kaalmada militari ee uu siinayo Ukrain.

Afartaas Siinaariyow ayaa lagu wadaa inuu kusoo afmeermi karo dagaalka Ukrain, waasa laga dhur sugi doonaa halka xaal uu kusoo biya shubto.

FAAFREEB PRO