Waxaa gudaha dalka Itoobiya xarga goosad ku noqda bilihii u dambeeyey afduubka loo geysanayo shacabka qeybihiisa kala duwan.
Waxaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay la afduubtay bas ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey halka loo yaqaano Gerbe Guracha oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.
Waxaa wali la weysanyaay damaan rakaabkii saarnaa baskaas, mana jirta wax faahfaahin ah oo wali la helay.
Sida lagu sheegay wareysi ay qaaday mid kamid ah warbaahinta Mareykanka waxaa baska saarnaa 52 qof oo rakaab ah markii ay afduubanayeen dableyda hubeysan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee halkan lagu afduubto gawaarida sida dadka shacabka ah, balse horraantii bishii Luulyo ee sanadkan saddex bas oo rakaab ah ayaa lagu afduubay isla halkan, waxaana saarnaa ilaa 100 ruux oo isugu jirta bulshada qeybeheeda kala duwan.
Arimaha afduubka ee ay geesanayaan kooxa aan inta badan si buuxda loo cadeyn heybtooda ayaa xarga goosad ku noqday gudaha dalka Itoobiya mudooyinkan dambe, waxaana mararka qaar goobaha qashinka lagu shubo laga helaa meydadka dad la afduubtay markii ay bixin waayeen lacagta madax furashadana inta la dilay banaanka la iskaga soo tuuray.
Kusoo biir bareheena Telegramka 👇
https://t.me/Faafka5