Ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa taqadum ballaaran ka wada gobolada dhaca waqooyiga wadanka Maali ee saaxilka qaaradda Afrika.
Wararka ka imaanaya Maali ayaa sheegaya in dagaalyahannada mujaahidiintu ay dagaal culus kadib lawareegeen mid kamida albaabada laga galo magaalada Gaaw ee caasimadda u ah gobollada waqooyi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen saldhiggii ugu weynaa ee ciidamada xukuumadda Ridada Maali ay ku lahaayeen deegaanka Wabaari ee duleedka Koonfureed magaalada Gaaw.
Mujaahidiinta ayaa muslimiinta ugu bishaareeyay in caskarka Ridada laga nadiifiyay Wabaari islamarkana mujaahidiintu ay kusii taqadumayaan dhanka magaalada.
Dhinaca xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa gummaadkii dhowaan loo geystay ciidamada calooshood ushaqeystayaasha Ruusha ee Faagnar.
Muuqaallo laga helay qaar kamid ah taleefannadii ay wateen saliibiyiintii ladilay iyo kuwii gacanta lagu dhigay ayaa muujinayay xasuuqa bahalnimada leh ee ay ugeysteen shacabka muslimiinta .
Video-yada lahelay waxaa kamid ah calooshood ushaqeystayaasha Faagnar oo seef madaxa uga goynayay dad shacab ah iyagoo Buris madaxa uga garaacaya maxaabiista illaa ay ka dhintaan.
Muuqaallada laga helay taleefannada saliibiyiinta faagnar oo si aad ah layskula dhax qaaday baraha bulshada ayaa laga dheehan karay argagax iyo heerka ay gaarsiisantahay bahalnimadooda.
Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin oo isbuucii hore war kasoo saaray halaaggii saliibiyiinta Ruushka ku gaaray dalka Maali ayaa wacad kumaray in ay u aargudi doonaan xasuuqii ay maleeshiyaadkan hororka ah ugeystaan qabaa’illada muslimiinta ah