Majaladda Al-sumuud ayaa cadadkeedii ugu dambeeyay ee ay nashrisay diiradda ku saartay saddex sano kadib furashadii mujaahidiinta ee wadanka Afghanistan, iyada oo soo bandhigtay waxa u qabsoomay imaarada Islaamiga.
Arrimaha sidoo kale diirada lagu saaray cadadkan waxaa ka mid ah, qaabkii ay ciidamada saliibiyiinta NATO uga carareen wadanka, iyo Naska kalimaddii aan horay usoo tarjumnay ee uu jeediyay amiirka imaarada islaamiga ah, saddex sano oo ay reer Afghanistan ku naaloonayaan miraha halgankii jihaadka ee dalkaasi looga xoreeyay gumeystihii Maraykanku hor fiiqa u ahaa.
Majaladdu waxay iftitaaxiyada kusoo qaadatay saddex sano oo reer Afghanistan ay ku nooloonayaan nasriga cad ee uu Allaah ka siiyay gumeystihii Nato ee duullaanka gardaradda ah kusoo galay waddankaasi iyo arrimaha u qabsoomay mujaahidiinta muddadaasi.
Waxay saxiifadu sheegtay in 3-daasi sano ay reer Afghanistan Imaarada islaamiga ah ka heleen amni la isku hallayn karo, oo ka hana qaaday gobollada kala duwan ee waddankaasi, taas oo ay kaga nasteen amni daradii iyo dhibaatooyinkii uu ku hayay nidaamkii dabadhilika ahaa ee har cad isaga huleelay Kaabuul, waxaa sidoo kale meesha ka baxay falalka guracan, iyadoo ay imaaradu muddadaasi kooban ku guuleysatay inay meesha ka saato beerashada mukhaadaraadka oo imaaradu si aad ah ula dagaalantay, arrimaha sidoo kale u qabsoomay xukuumadan islaamiga ah waxaa ka mid ah, in ay si wayn ula dagaallantay musuqa iyo wax isdamarinta oo caan ay ku yihiin dowladaha reer galbeedku dhistaan, markii imaaradu talada qabatay ayayna meesha ka baxeen dhamaan waxyaabahaas, waana sida lagu sheegay cadadkan oo ah midkii 224-aad ee ay soo saarto majalada Al-sumuud.
Waxaa sidoo kale qoraalka saxiifada lagu sheegay, in caalamku goob joog u noqday guuldarradii caan baxday ee ku habsatay dhamaan isbahaysiga sharta oo idil, kuwaasi oo uu Maraykanku hor kacayay, iyagoo caabboonna duullaan gardarro ah ku galay Afghanistan, 20 sano kaddibna iyaga oo guuldarro la luudaya uu askarigii ugu dambeeyay ka cararay garoonka diyaaradaha ee Kaabuul.
Majaladdu waxay sidoo kale soo qaadatay saddex sano kaddib xaaladda ay hada ku suganyihiin reer Afghan, waxay sheegtay in bishii Agoosto 2021 ay reer Afghanistan u ahayd bishii ugu farxada badnayd ee soo marta noloshooda, maadaama uu Allah ka xureeyey gumeystihii labaatanka sano xasuuqa iyo boobka dhaqaale waddankooda ka waday, balse halganka reer Afhan uu Alle ku keenay jabkooda.
Sidoo kale waxay majaladdu soo bandhigtay horumarada muuqda ee uu nidaamka islaamiga dhaxalsiiyay saddexdaan sano reer Afghanistan, haddii ay ahaan lahayd dhismaha kaabeyaasha dhaqaale, kuwa ganacsi, horumarinta shirkadaha soo saara macaadinta, biyo xireennada, tayaynta xarumaha waxbasho, dhismaha ciidamada, amniga guud ee waddanka iyo arrimo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin oo ay xaqiijisay xukuumadda islaamiga ah ee Afghanistan.
FAAFREEB PRO