Askar Ameerikaan ah oo Lagu Weeraray Gudaha Turkiga.

Sep 3, 2024

Dalanyaro muslimiin ah oo caraysan ayaa gudaha wadanka Turkiga ku weeraray askar katirsan dowladda Mareykanka iyagoona dhaawacyo ugeystay, iyo booliska xukuumadda Ankara oo xiray qaar kamid ah dadkii weerarka geystay.

Waxaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay galbeedka dalka Turkiga lagu weeraray askar Ameerikaan ah, waxaana howgalkaas fuliyey sida lagu soo waramayo ilaa 15 dhalinyaro Turki ah oo aanan la shaacin waxa rasmiga ah ee ay ku hubeysnaayeen, walow ay jiraan xogo kale oo tibaaxaya iney ku qaadeen weerar gacan ah iyagoo anan adeegsaneyn wax hub ah.

Waxaa halkaas ka dhashay in dhaawacyo xoogan oo qeybha kala duwan ee jirka uu soo gaaro ilaa 2 askari oo Ameerikaan ah, waxaana markii dambe goobta soo gaaray laamaha booliska wadankaas, iyagoona qaab garba duub ah Meesha kaga kexeeyey dhalinyaradii muslimiinta ee weeraray askarta Ameerikaanka.

Xafiiska Barasaabka gobolka Izmir ee dalka Turkiga ayaa war uu soo saaray waxa u uku sheegay in dhalinyarada weeraraka fulisay ay qeyb ka yihiin xisbiga mucaaradka wadankaas ee lagu magacaabo Vatan Party, waxa uu kaloo ninkan cadeeyey in markii la weerarayey askarta Ameerikaanka ah ay xirnaayeen dhar aanan dares ciidan hayn.

Dhanka kale waxaa war qoraal ah soo saarta safaaradda Mareykanka ee Turkiga, iyadoona cadeysay in qaar kamid ah askartooda oo ku sugan gudaha dalka Turkiga loo beegsaday si bareer ah, loona geystay jirdil xoogan, ilaa markii dambe ay yimaadeen booliska gobolkaas, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xukuumada ridada ah ee Ankara ayaa marba marka kasii dambeysa sii laba jibaareysa lasoo banbixideeda ah, iney cadwga midibada kala duwan leh ay u garaba duubo muslimiinta mararka qaar fulinaya weerarada kaligood duulnimada ah, halka dhanka kale ay wadanka kusoo qarqisay shirikaad kala duwan oo har iyo habeen ka shaqeeya misana gacan libaaxleh ka geysta isgarab taaga maamulka isugu yeera Israel.

FAAFREEB PRO