Askar Yuhuud ah oo Lagu Laayey Gudaha Qaza.

Jan 12, 2025

Jab soo gaaray ciidanka yuhuuda iyo askar laga dilay saacadihii lasoo dhaafay, sida uu daabacay joornaalka Yedioth Ahronoth askarta sahaayinada ayaa laga dilay ilaa 4 askari oo ka tirsanaa guutada Naaxaal ee ka dagaalanta gudaha marinka.

Askartan ayaa lagu waramayaa in lagu qaarijiyey weerar xoogan oo saacado ka hor ka dhacay gudaha Beytu Xanuun ee Qaza, waxaana marka laga soo tago dhimashada ragan dhanka kale lagu warmayaa in dhaawacyo halis ah la gaarsiiyey saraakiil ciidan oo sahaayino ah.

Jariiradu waxay intaasi ku dareysaa in weerarku uu ahaa mid isugu jira qaraxyo iyo toogashooyin toos ah oo lagu soo qaaday ciidanka gumeystaha, waxaana durbadiiba sahlanaatay sida lagu waramayo in dhulka la dhigo sahaayino fara badan.

Waxaana gaba gabadii lagu waramayaa in daad gureynta baqtiga yuhuuda uu noqday mid adag maadaama muqaawamadu ay noqotay mid aanan joogsan in muddo ah, taasoo sababtay in qaar kamid ah dahawacyadii askarta yuhuuda ay si aad ah u dhiig baxaan halka kuwa kalana ay Meesha ku nafbexeen.

FAAFREEB PRO