Wararka ka imaanaya dalka Yugaandha ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada millatariga ee dalkaasi uu toogasho ku dilay sadex qof oo Yugaandhees ah, halka uu sidoo kale dhaawac u gaystay laba kale.
Warbaahinnada dalkaasi waxay sheegeen in askarigan oo hubeysnaa uu toogashada ka gaystay bariga tuulada Ngora ee hoostagta degmada Agago ee dhacda waqooyi bariga Uganda, ugu yaraan saddex xubnood ayuu gurigooda ku dilay halka labada kalena uu dhaawacyo u gaystay.
Askariga dilalka iyo dhaawaca gaystay ayay ciidanka uu la howlgalayay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen maxkamad na hor gayn doonaan, wallow aysan faahfaahin ka bixin sababta keentay dilka iyo dhaawaca.
FAAFREEB PRO