Askarta Kenya oo Wajeer ku Dishay qof Somaaliyeed oo Ganacsade ah.

Aug 24, 2024

Gobalka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyada Kenya ayaa waxaa kusoo badanaya, dilalka ay geysanayaan ciidamada kufaarta Kenya iyo dadka Kirishtanka ah, kuwaas oo ay kula kacayaan dadka Soomaalida Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobalkaas.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa gobalka lagu dilay nin kamid ahaa dadka degaanka oo ku sugnaa kaalin shidaal oo ku taalla Wajeer.

Qolyaha dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, iyadoona illaa iyo hadda uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka ay dowladda Kenya ka dhisatay mandiqadda.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa ka hadlay falkaan, waxa ay sheegeen in maalhii lasoo dhaafayba ay dilalku kusoo badanayeen gobalka, iyagoo sheegay in dilalka ay geysanayaan dadka Kirishtanka Kenyanka ah iyada ay ka caawinayaan dabadhilifyo Soomali ah.

“Walaalayaal gaalada maanta kaligood ma ahan ee waxaa wehlinaya soomaaliya, kaas Soomaali lama dhihi karo muslimna lama dhihi karo, islaanimana wax kuma lahan” waxaa sidaas yiri mid kamid ah goob joogayaasha ka hadlay falkan.

Kusoo biir bareheena Telegramka 👇

https://t.me/Faafk4

https://t.me/Faafk5