Axmed Madoobe oo Gacanta ku Dhigay Taliyihii Ugu Sareeyey Ciidankii Gurguurte.

Dec 12, 2024

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo u dhaxeeyay kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, kaasi oo shalay ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhaca gobolka Jubbada hoose.

Dagaalladan oo dhowr jeer la isku noqnoqday si waynna loogu jabiyay ciidan toddobaadyadii lasoo dhaafay kooxda Riddada Soomaaliya ay ku daabulaysay deegaan xeebaadkaas, ayaa lasoo wariyay in kooxda Xasan Gurguurte shalay dagaalladii dhacay looga qabtay sarkaal muhiim ah, haystayna maleeshiyadii Raaskambooni la geeyay.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa soo bandhigay sawirka Xassan Ciraaqi oo ku magacownaa taliyaha maleeshiyaadkii murtadiinta geeyeen magaalada Raas-kambooni, waxayna sheegeen in ay gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale maamulka murtad Madoobe ayaa faafiyay muuqaallada askar fara badan oo ka tirsan kooxda Riddada, kuwaas oo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalladii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaanka Raas-kambooni.

Dhankeeda kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa war ay soo saartay ku qiratay guuladarradii shalay dhabarka loogu saaray xeebaha gobolka Jubbada hoose, waxay sheegeen in maleeshiyadeedu ka baxeen Raaskambooni.

Marka laga soo tago askarta iyo saraakiisha lagu qabtay dagaalladii ka dhacay Raaskambooni, maleeshiyada shalay dagaallamay waxaa kala gaaray khasaare xoog leh, ilaa iyo hadda ma cadda inta uu leegyahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac.

Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli Kenya ay sheegtay inay isku soo dhiibeen boqollaal maleeshiyo oo ka tirsanaa kooxda Riddada, kuwaas oo ay sheegtay inay kusoo jabeen dagaal ay la galeen maleeshiyada murtad Axmed Madoobe, ciidankan boqollaal ah ayaa u firxaday dhanka xuduud beenaadka, waxayna isku dhiibeen ciidanka kuffaarta Kenya ee ku sugan aagga Ishaakaani.