Axmed Madoobe oo ka Baxay Shirkii Muqdisho iyo Warqad ka Dhan ah Xasan Sheekh oo Lasoo Saaray.

Oct 7, 2024

Waxaa fashil iyo guuldarro kusoo idlaaday shirar aan loo kala kicin oo madaxda kooxda ridada iyo hoggaamiyaasha maamullada ashahaadda ladirirrada ah uga socday magaalada Muqdisho.

Shirarkan oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayay murtadiintu uga doodayeen sidii ay usameysan lahaayeen muddo kororsi marka uu dhammaado mudda xileedkooda.

Xasan Gurguurte madaxa kooxda Ridada Soomaaliya ayaa ku guuldarraystay in uu qowsaarrada gummeysiga ee loogu yeero madaxda maamul goboleedyada uu ka saxiixdo wax kabadelka hanaanka ay ku shaqeyso siyaasadda gaaladu dejisay ee kooxda riddada sida doorashooyin ku sheegyada,muddo xil heynta iyo murtadiintu yeeshaan madaxweyne awood siyaasadeed leh islamarkaana meesha laga saaro jagada R/wasaaraha.

Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka Ashahadda ladirirka Kismaayo ayaa isagoo caraysan saaka aroortii hore ka dhoofay garoonka diyaaradaha muqdisho wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Qodobada laysku mari waayay waxaa kamid ah in dib loodhigo doorashooyinka maamul goboleedyada iyo in laqaato doorasho qof iyo cod ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu shari ka dhigan in marka hore shirka lakeeno Siciid Deni iyo Firdhiye islamarkaana meesha laga saaro wax ladhaho doorasho qof iyo cod.

Dhinaca kale siyaasiyiin katirsan murtadiinta oo si aad ah umucaaradsan Xasan Gurguurte ayaa durbadiiba soo saaray warsaxaafadeed ay ku ayidayaan mowqifka Axmed Madoobe.

Shariif Sheekh Axmed,Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhammaantood Xasan Gurguurte latartamayay sanaddii 2022-kii ayaa qoraalka ay soo saareen goodis ugu diray madaxa kooxda Riddada “Muddo kororsi waa midkii aan ka diidnay Farmaajo suurtagalna ma ahan in aan kaa aqbalno,Xasanoow talada aad kor usidatid dhulka dhig” ayay ku yiraahdeen qoraalka ay soo saareen.

Siyaasadda kooxda ridadda ayaa markale jiha wareer gashay waxayna arrimahan oo idil imaanayaan xilli uu mugdi ku jiro masiirka ciidamada kufaarta afrikaanta oo murtadiinta ilaaliya kuwaas oo waqtigii bixitaankooda uu soo dhowaaday islamarkaana aan weli laheyn kuwii lagu bedeli lahaa.

FAAFREEB PRO