Kadib kulan degdeg ah oo magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka dowladda Xabashida Itoobiya ayay uga doodeen tallaabada uu Abiy Axmed dhaqaalaha wadanka ugu gacan geliyay hay’adaha maaliyadda reergalbeedka.
Fadhiga oo lagasoo hormariyay maalmihii loo asteeyay ayaa su’aalo lagu weydiiyay Axmed Shidde oo ah wasiirka maaliyadda xukuumadda Xabashida, isagoo xildhibaannada baarlamaanka lahadlayay ayuu sheegay in lacagaha ammaahda ah ee ay ka heli doonaan Bankiga Adduunka iyo IMF ay sare ugu qaadayaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
Doodadda xildhibaannada Xabashida ay ka keeneen heshiiska cusub ee lagu maareynayo dhaqaalaha Itoobiya ayaa ku qotontay halista laga filan karo lacagaha laga ammaahday IMF iyo sida uu sii ahaan karo suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Itoobiya.
Abiy Axmed ayaa maalmo ka hor qalinka ku duugay heshiis ay dowladaha reergalbeedku ku jaangoynayaan dhaqaalaha dalka islamarkaana ay awood uyeelanayaan in ay jiheynayaan lacagta Birta Itoobiya.
Gudaha Itoobiya ayaa si aad ah looga hadal hayaa tallaabada ay xukuumaddu dhaqaalihii wadanka ugu gacan gelisay hay’adaha maaliyadda Yurub iyo America.
Sida ku cad heshiiska uu saxiixay RW Itoobiya hay’adda IMF iyo Baniiga adduunka ayaa Itoobiya siinaya lacag dhan 10 Bilyan oo dollar si tartiib tartiib ah waxaana ku xiran shuruudo adag kuwaas oo xukuumadda Addis Ababa ay si duuduub ah u aqbashay.
Gaba gabadii kulanka ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Xabashida ku dhawaaqay in xildhibaannadu ay ogolaadeen mashruuca balse ay tafaasiil dheeraad ah uga baahanyihiin wasiirka maaliyadda.
Dagaallada sokeeye ee wadankaasi ka holcaya mudada afarta sana ah ayaa dhulka geliyay dhaqaalaha Itoobiya arrinkaas oo sababay in xukuumaddu ay lacago dayn ah weydiisayo IMF iyo Bankiga adduunka.