Madaxweynihii hore ee Mareykanka xilkana ka dagay maalinimadii shalay Joe Biden oo dhiibay wareysi dhinacyo badan taabanayey ayaa mar la weydiiyey waxa ay yuhuuda ugu ogolaadeen adeegsiga hubka nuucyadiisa kala duwan ee lagu xasuuqay shacabka reer Qaza.
Waxa uu Biden sheegay isagoo isku dayaya in xaqiiqda uu qariyo in Natanyaahu 8 maalin kadib howgalkii duufaanta Al-Aqsa uu la kulmay isagoona kala hadlay duqeymaha iyo adeegsiga hubka nuucyadiisa kala duwan balse dood badan kadib uu u ogolaaday wax walba iney ku dhaqaaqaan
Waxa uu dhanka kale Biden wareysigiisan ku dhax qirayaa in Mareykanka uu isaga horay xasuuqyo aan kala sooc lahayn uu uga geystay wadamada Jarmalka, Japan iyo dalal kale oo tira beel ah “sidaa darteed Natanyaahu isagoo midaas daliishanaya ayuu naga codsaday adeegsiga hub walba waana u ogolaanay” ayuu yiri
Waxa uuna Natanyaahu ku yiri Biden “Horey ayaad u samaysay wax walba, duqeymo ballaaran ayaad ka geysatay Berlin waxaad riday bambo nukliyeer, waxaad dishay kumannaan dad ah aan waxba galabsan si aad guul uga gaarto dagaalka”.
Joe Biden ayaana ugu dambeyntii waxaa hadalkiisa laga dhadhansanayaa in dhinacyadu ay si buuxda iskugu waafaqeen xasuuqa abriyada reer Qaza iyo in gumaadka ay ku wadaan ilaa shacabka dhulka Filistiin ay barakiciyaan taasoo ah riyo ay in badan ku tahmayaan sahaayinada.
Balse yuhuuda iyo inta naas nuujineysa ee uu ugu horeeyo Mareykanka ayaa ku hungoobay talaabadaas, waxayna kayaanka sahaayinada maanta ku qasbanaadeen in iyagoo madaxa foorarinaya ay ka baxaan gudaha Qaza, xilli askarta Binyamiin Natanyaahu ay jiidayaan baqti fara badan dhabarka loo saaray khasaare tira beel ah.
FAAFREEB PRO