Binyamin Natanyaahu ayaa dhaxda uga jira xaalad lagu tilmaamay Laba daran mid dooro xilli uu dhawaan kasoo faaruqay kulamadii kala duwanaa ee uu la yeelanayey Donald Trump.
Wargeyska kasoo baxa dhulka yuhuuda ee Haaretz ayaa ku warramaya inuu Netanyahu uu dhexda uga jiro xaalad hubaanti la’aan gelisay inuu awood u yeelan karo inuu sii joogo xafiiska, isagoo cabsi ka qaba carada ay xisbiyada siyaasadda ee xagjirka ah ka qaadeen ficillada iyo awooda il qabatada ah ee ay soo bandhigayaan kooxaha muqaawamada Filistiin xilliga ay wareejinayaan maxaabiista sahaayinada.
Waxa uu sidoo kale Binyamin Natanyaahu niyad jab xoogan uu ka qaaday sida hada ka noqday gudaha bulshadiisa, maadaama ay u arkaan guuldareyste oo kaliya si aad ah u bartay hanjabaad warbaahinta iyo been abuurka, halkii laga sugayey oofinta balantiisii ahayd reer Qaza oo la barakico iyo kooxaha muqaawamada oo uu gabi ahaanba ka taqaluso.
Madaxa sahaayinada ayaana hada dhaxda uga jira inuu ka dago xilka isagoo duleysan oo fashil dusha ku sita, ama inuu indhaha ka daawado awooda kooxaha muqaawamada Filistiin ee uu loodin waayey, waxayna dabcan midan kusoo beegantay ayaa la oran karaa xilli saacado ka hor xafiiska Netanyahu uu kooxaha dhaxdhaxaadiyaasha la wadaagay ineysan u dulqaadan karin dhoolatusyada ay sameynayaan kooxaha wax iska caabinta xilliga wareejinta maxaabiista, balse midaas ayaanan ilaa hada loo dhigin wax dhag ah muqaawamada ayaana qorsheyneysa in halkeeda ay kasii wado soo bandhigida awoodooda ciidan ee kala duwan.