Bloomberg “Shiinaha iyo Iran waa Inay ka Walaacaan soo Laabashada Trump”.

Nov 16, 2024

Joornaalka Bloomberg ayaa daabacay warbixin uu ciwaan uga dhigay “Shiinaha iyo Iran waa inay ka walaacaan soo laabashada Trump”.

Wargeysku waxa sheegayaa in Afarta sano ee soo aadan ay noqon doono mid uu Donald Trump ku sameeyo isbadalo xoogan oo xaga siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka, xukuumada Tehran iyo Shiinaha ay safka hore kaga jiraan wadamada ay sida aadka ah u saameyn doonaan dhamaan talaabooyinka Trump.

Bloomberg waxay xogteeda intaasi ku dareysaa in madaxweynaha cusub ee Mareykanka ee iman doona xafiiska 20 bisha koowaad ee sanadka 2025, uu durbadiiba qaaday talaabooyin muujinaya sida ay u adkaan doonto siyaasadiisa arimaha dibada ee ku wajahan dalal badan oo uu Shiinuhu ugu horeeyo, isagoona Michael Waltz u doortay La-taliyahiisa Amniga, Marco Rubio-na ka dhigtay xoghayaha arrimaha dibadda, waana Laba ruux oo si aad ah ula dhacsan aragtiyada Donald Trump, Shiinaha iyo Irana u arka cadawga weyn oo ay Ameerika leedahay aanana la dhayelsan karin.

Gaba gabadii warbixintu waxay leedahay, soo laabadashada Trump waxay dhanka kale farxad iyo yididiilo hor ay siineysaa maamulka yuhuuda, Natanyaahu ayaana heli doona garab istaag ka balaaran midii hore, walow dhanka kale afka baarkiisa loo arko hadalada Trump uu ka leeyahay fagaarooyinka ee ah “Waan soo afjari doonaa dagaalka bariga dhex”.

FAAFREEB PRO