War kasoo baxay mucaaradka dalka Uganda ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska dalkaasi ay dhaawac u geysteen hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi “Boobi Ween”
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu arkayey hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda oo dhaawac ah, islamarkaana qeylinaya, kadib markii ciidamada Booliska dalkaasi ay xabad kaga dhufteen lugta, xilli iska hor’imaad uu dhexmarayey taageerayaasha mucaaradka iyo Booliska dalkaasi.
War kasoo baxay mucaaradka Uganda ayaa lagu sheegay in ciidamada ay isku dayeen inay khaarijiyaan hoggaamiyahooda, balse ay dhaawac u geysteen, iyagoona arrintaasi cambaareeyey.
Warbaahinta dalka Uganda ayaa qaarkood sheegaya in dhaawaca gaaray “Boobi Ween” uu yahay mid culus, intastoo mucaaradka aysan arrintaasi xaqiijin.
Dowladda Uganda ayaa dhowr jeer oo hore waxay xarig u geystay hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda, tanina waa tallaabo kale oo ka dhan ah mucaaradka kasoo horjeeda xukuumadda dalkaasi.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalka Uganda ka soconayey Banaanbaxyo waaweyn oo dhigayeen Axzaabta mucaardka dalkaasi, kuwaasi oo looga soo horjeedo xukunka Milatariga ah ee dalkaasi ka jira ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaasi gaal Yoweri Museveni.
KUSOO BIIR BARAHEENA TELEGRAM.
https://t.me/Faafka5
https://t.me/Faafka6