Boqolaal Itoobiyaan ah oo ka Barbar dagaallamaya Yahuudda Xasuuqa ka Wada Qaza.

Oct 15, 2024

Xasuuqa waxashnimada leh ee ciidamada Yahuudda sahyuuniyadda ay ka geysanayaan magaalada Qaza ee dhulalka falasdiin ayaa ayaa hal sano iyo 8 maalmood jirsaday welina cadowgu ma xaqiijin wax kamid ah ahdaaftiisa.

gummaadkan aysan Yahuudda iyo nasaarada ukala harin waxaa ka qeyb qaadanayay boqolaal askari Xabashi Itoobiyaan ah kuwaas oo dhul dheer uga tagay ladagaallanka muslimiinta reer Falasdiin.

Dad Itoobiyaan ah oo Yahuud noqday ayaa lagu arkay iyagoo kaabaya ciidamada sahaayinada, muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada waxaa lagu arkayay askar Itoobiyaan Yahuud ah oo ka qeyb qaadanaya dagaalka Qaza.

Askarta Xabashida ayaa iyaguu huwan calanka Itoobiya farriimo kasoo dirayay dhulka Falasdiin waxayna ku faanayeen in ay difaacaan Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga lagu dejiyay dhulalka falasdiin.

Ciidamada sahaayinada iyo kuwa xabashida ayaa hal difaac iskula jira waxayna isla xasuuqayaan muslimiinta lagu go’doomiyay magaalada Qaza.

Yahuudda loo yaqaan Falaasha-ha ee ka nafiiray dhanka Itoobiya ayaa dagaalka Gaza kaalin weyn ku leh iyagoo qaab calooshood ushaqeystanimo loogu guray jaxiimada dagaalka.

Abiy Axmed R/wasaaraha Xabashida ayaa sanaddii 2019-kii booqasho ku tagay magaalada Talaabiib isagoona Yahuudda u ballanqaaday taageero dhan walba ah.

Yahuudda ayaa ah awoodda ay gaalada ee reergalbeedku ku wajahaan muslimiinta bariga dhexe halka Xabashida Itoobiya ay yihiin awoodda saliibiga ah ee Mareykanka iyo xulufadiisa ay kula dagaallamaan muslimiinta geeska Afrika.

FAAREEB PRO