Wargeyska Washington Post ee kasoo baxay dalka Mareykanka oo soo xiganaya mas’uuliyiin American ah ayaa sheegay in tallaabada lagu hakiyay lacagihii uu Mareykanku siin jiray dowladaha dawaaqiidda caalamka islaamka iyo kuwa gaalada Afrikaanta ah uu hoos udhigan dagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta caalamka.
Mas’uuliyiin American ah ayaa u sheegay wargeyska in barnaamijyada ka hortagga waxa loogu yeero Argagixisada uu halis gelinayo wax uu ugu yeeray amniga qaranka Mareykanka isagoo xusay in lacagaha la hakiyay ay khatar ku yihiin Mareykanka xulafadiisa caalamiga ah.
Saraakiil American ah ayaa sidoo kale carrabaabay in joojinta barnaamijyada kaalmada dibadda ee Mareykanka ay si xun u saameynayso la dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo xakamaynta awoodda Al-Qaacida mandiqadda Saaxilka galbeedka Afrika oo loola jeedo jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin.
Xubno kasoo jeedo xisbiga Dimuquraadiga oo hor boodayay xamlada ashahaadda ladirirka ee ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya ayaa maamulka Trump ugu baaqaya in uu dib u eegis ku sameeyo go’aankii uu dhaqaalaha uga jartay dowladda taakta daran ee ka jirta dalka Soomaaliya taasi oo taageerada shisheeye ku tiirsan ku dhowaad 20 sano xiriir ah.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa usheegay Washington Post in hakinta qarash-ka ay khatar gelisay boqolaal askari oo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya sida uu hadalka udhigay.
Sarkaalka American-ka ah ayaa caddeymihiisa ku xoojiyay in 400 oo katirsan maleeshiyaadka Bangaraafta soomaalida ee Mareykanku tababaray ay isaga tageen ama ay isaga carareen saldhig tababar oo uu Mareykanku ku leeyahay Koonfurta Soomaaliya sababa laxiriira iyaga oo aan helinsahaydii ay Mareykanka ka heli jireen oo la hakiyay.
Sidoo kale shaqaale qandaraas layaal ah oo isugu jira ajaanib iyo soomaali ayaa si degdeg ah uga baxay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya sababo la xiriira joojinta lacagihii ka imaan jiray dhanka Washington.
Donald Trump Saacado kadib markii uu xilka la wareegay bishii hore wuxuu hakiyay barnaamijyada taageerada dibadda ee dowladda Mareykanku bixiso muddo 90 maalmood ah, wuxuuna saxiixay amar fulineed oo sheegayay lacagaha faraha badan ee ay dibadda ku bixiyaan uusan wax faa’iido ah u laheyn Mareykanka.
Kumanaan maleeshiyaad dabadhilifyo Soomaali ah oo Mareykanku ku tababaray saldhigga Balidoogle ayaa hadda meel cidla ah kusoo dhacay.