Cabdiraxmaan Cirro oo ka Jawaabay Hadal Dhawaan Kasoo Yeeray Kooxda Ridada.

Aug 26, 2024

Musharaxa xisbiga mucaaradka maamulka isugu yeera Somaliland ee Waddani murtadka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ka jawaabay hadal maalmo ka hor kasoo yeeray xukuumada uu hogaamiyo murtad Xasan Sheekh Maxamuud.

Kooxda ridada Soomaaliya ayaa shirkadaha ka howgala gudaha caasimada wadanka ku amartay iney joojiyaan isticmaalka magaca Soomaaliland xilliyada ay macaamiishooda ka dalbadaan iney u buuxiyaan liisaska wax kala iibsiga.

Midaas ayuu si aad ah kaga carooday maamulka isugu yeera Soomaaliland, murtad Cirro ayaana taas ku tilmaamay duulaan qaawan oo lagu soo qaaday bulshada qeybeheeda kala duwan ee ku nool deeganada uu ka arimiyo maamulkooda.

“Xukuumadda maanta ka jirta Soomaaliya, waxa ay beryahan dambe duullaan qaawan ku soo qaaddaan ummadda reer Somaliland, dal iyo dad ahaanba iyaga oo isku dayaya inay beeraan nac iyo cunfi, dalka Jamhuuriyadda Somaliland & dadkiisu waraaqo la soo saaro iyo erayo meel laga yidhaahdo midna ka joojin maayaan in ay aayahooda iyo masiirkooda meel mariyaan” ayuu yidhi murtad Cabdiraxmaan Cirro.

Xurgufta u dhexeysa siyaasadaha lagu soo dhisay Muqdisho iyo Hagreysa ayaa u muuqata maalmihii lasoo dhaafay mid sii karaar qaadaneysa, waxayna bilowday iney si xowlihi ah ku socoto tan iyo markii uu murtad Muuse Biixi Cabdi heshiis xaaraan ah la galay Abey Axmed, Xasan Sheekh-na midaas uu ka carooday isagoo naawilayey in isaga lasoo maro si uu u beeciyo bada Soomaaliyeed.

FAAFREEB PRO