Kumanaan katirsan ciidamada saliibiyiinta ee duullaanka ku jooga magaalada Mudisho iyo maleeshiyaadka kooxda ridada ayaa lagusoo daadiyay afaafka hore ee xarumaha cadowga ee sida aadka ah loo ilaaliyo.
Xaalad cabsi leh ayaa usoo gashay madaxda kooxda ridada iyo shisheeyaha ku sugan xerada Xalane waxayna ka baqayaan weeraro laayaan ah oo uga yimaad mujaahidiinta alshabaab.
24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka kooxda ridada jidgooyooyin iyo dhagxaan soo dhoobeen wadadada makka almukarrama iyo hareeraha madaxtooyada Villa Somalia.
waxaa la arkayay maleeshiyaadka oo difaacyo qotay islamarkaana gaadiidka udiidaya in ay isticmaalaan wadada laamiga ah iyo jidcadayaasha degmooyinka Hodon.wardhiigleey iyo Xamarweyne.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu amar ku bixiyay in labedelo qaar kamid ah saraakiisha iyo ciidamada ilaalada ka yahay Villa Somalia ee koofiya guduuda loo yaqaan.
taliyaashii dhowr aag oo kamid ah madaxtooyada ayaa labedelay waxaana booskoodi lageeyay ciidamo cusub, saraakiil katirsan kooxda ridada ayaa warbaahinta usheegay in ay qaateen digniino culus oo uga yimid dhanka Xalane ayna wadnaha farta ku hayaan oo ay ka baqayaan weeraro uga yimaad Mujaahidiinta Al Shabaab.
Dhinaca kale xaalad feejignaan ah oo heerkeedu aad usarreeyo ayaa lageliyay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya.
Boqolaal askari Yugaandheys ah oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa isku gedaamay banaanka xerada, sidoo kale diyaarado Drones ah ayaa dul heebaabayay Xalane iyo deegaannada ku dhow dhow oo ay kamid yihiin degmooyinka Waaberi,Xamar Jajab iyo Wadajir.
Rucbigan usoo galay murtadiinta iyo saliibiyiinta ayaa kusoo aadaya weerarkii Liido ee dhacay sabtigii lasoo dhaafay weerarkaas oo khasaaraha badan dhaliyay islamarkaana cadowga ku noqdan dharbaaxo weyn.