Ciidamada Suudaan oo Dagaal Kula Wareegay Magaalada Caasimadda u Ah Gobolka Aljaziira.

Jan 12, 2025
Kadib dagaallo maalmo qaatay ayay ciidamada xukuumadda Suudaan ugu suuragashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta magaalo istiraariiji ah oo ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyaad xiriir laleh dowladda Imaaraatka Carabta.
Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in ciidanka melleteriga wadankaasi ay qabsadeen magaalada Wad Madeni oo ah caasimad gobolkeedka Aljaziira, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada nidaamka Jeneraal Alburhaan ay lawareegeen xarunta gobolka,saldhigga booliska iyo dhismaha dowladda hoose.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka dowladda Suudaan ayaa lagu xaqiijiyay in Wad Madeni iyo dhammaan degmooyinka gobolka Al Jaziira ay dib ula wareegeen kadib markii ay ka adkaadeen maleeshiyaadkii kooxda Imaaraatku taageero ee loo yaqaan Dacmu Sariic ama RSF.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydad gubtay oo waddooyinka daadsan iyo kumanaan kun shacab ah oo ku dabaal degaya magaalada Wad Madeni saacado kadib markii laga xoreeyay maleeshiyaadkii calooshood ushaqeystayaasha RSF ee gudaha Suudaan looga yaqaan Janjawiid-ka.
Magaaladan xarunta u ah gobolka Aljaziira ayaa caasimadda Alkharduum ujirta masaafo dhan 186Km waxayna lawareegisteedu dhabar jaba ku tahay Jeneraal Xameeti oo loollan adag kula jira Jeneraal Cabdifataax Alburhaan.
Gobolka Aljaziira ee gacanta mucaaradka ka baxay sanaddii 2024 wuxuu martigeliyay gummaad bahalnimo oo dhegta dhiigga loogu daray kumanaan ruux shacab ah, gummaadkan waxay geystay kooxda mucaaraakada Imaaraatku taageero ee loo yaqaan RSF.
Ciidanka melleteriga xukuumadda dabadhilifka Suudaan ayaa bilihii lasoo dhaafay guuldarrooyin is xigxiga dhabarka usaarinayay kooxaha fallaagada,bishii lasoo dhaafay ayay dib uqabsadeen magaalada Sanja ee xarunta u ah gobolka muhiimka ah ee Sinnaar.