Warbixin ay qortay Warbaahinta BBC qeybteeda Af-Amxaariga ayaa tilmaamaysa in dhacdadooyinkan ay kasoo xaqiijiyeen ehellada dadka la laayay.
Sida lagu qoray warbixinta dhacdada kowaad ayaa dhacday kadib markii Ciidamada dowladda Itoobiya ee la sheegay inay safar ku marayeen degaanno hoostaga Koonfurta Gondar ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u dabaal-dagayay ciid-gaalleed ka jirtay Gobolka amxaarada.
Ciidamada dowladda ayaa dadka qaar gurigooda ka soo saaray kuwaas oo la sheegay in guryahoodu ku yaalleen agagaarka wadada kadibna halkaas ku toogteen.
Dhacdada kale ayaa sida la sheegayo iyaduna ka dhacday degaan lagu magacaabo Qarit oo hoostaga gobolka Gojam, halkaas oo dad rayid ah lagu dilay iyagoo ku hawlanaa falidda beeraha isla markaana uruurinayay cawska xoolaha loogu talo-galay.
Muuqaal laga soo duubay qoysaska dadka la laayay ayaa lasoo dhigay baraha bulshada muqaaladaas oo lugu arkayay dadka oo u barooranaya dhibbanayaasha iyo aaska meydadka,
BBC-da Af-Amxaarigu waxay sheegtay in isku day lagu doonayay in ay kula xiriirto masuuliyiinta dowladda Itoobiya ee gobolladaas ay guul-daraysatay.
Mid ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la sheegay inay haweeney ahayd, halka badankood ay ahaayeen caruur yar yar.
Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin mana aysan beenin ama xaqiijin dilalka dadka rayidka ah.
Dhacadadan ka dhacday gobolka amxaarada ayaa imaanaysa iyadoo gobolkaas uu waayahan ka socday dagaal u dhaxeeya ciidanka mamulka Abiy iyo kooxaha fallaagada ee Amxaarada.