Ciidamada dowlada saliibiyada Kenya ayaa ayaa isaga baxay saldhigii ay kaga sugnaayeen degaanka Buurgaabo oo katirsan gobolka Jubada Hoose.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka saliibiyiinta ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidanka Kenya ay faarujiyeen saldhigii ay kaga sugnaayeen halkaasi, taas oo qeyb ka ah wajiga sadaxaad ee Afrikaanta ay isaga baxaaan gobolada ay kaga suganyihiin wadanka
Buurgaabo ayaa ah magaalada Kismaayo kaga beegan dhanka Galbeed, waana degaan xeebeed, ciidamada Kenya ayaana dullaan saliibi ah ku qabsaday dabayaaqadii sanadkii 2012-kii.
Tan iyo xilligaas waxay dadka iyo degaanka intii ay joogeen ka hayeen dhibaatooyin kala duwan, waxayna sabab u ahaayeen dib udhacyo dhan waliba ah oo uu degaanku la kulmay sanadihii xiriirka ahaa ee lasoo dhaafay.
Bishii hore ee sanadkan 2024-ka ayey ahayd markii askar katirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen jaziiradda Kudhaa oo kamid ah isla gobolkan.