Dowladda Faransiiska ayaa soo bandhigtay qaab bixitaankeeda saldhigii ay ku lahayd dalka Chad ee dhaca bartamahada qaarada Afrika.
Sida inta badan ay saacadihii lasoo dhaafay warbaahinada ay soo tabainayeen xukuumada Paris ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya ciidamadeedii ku sugnaa saldhiga Chad oo daabulanaya qalabkoodii ugu muhiimsanaa iyo gaadiidka ciidan oo ay ku raranyihiin hub kala duwan.
Muuqaalkan oo ay soo bahdigtay wasaarada difaaca Faransiiska ayaa sidoo kale lagu arkayaa diyaaradaha xamuulka qaado oo daabulaya agab militari oo fara badan, xukuumada Paris ayaana dooneysa in si dhameystiran ay halkan uga qalab qaadato askariga ugu dambeeya ayaana Chad ka bixi doona 31 bishan aynu ku guda jirno ee January.
Faransiiska ayaa gaaray go’aanka kadib markii xukuumada Chad ay u sheegtay inuu dalka kala boxo ciidamadiisa waliba sida ugu dhaqsiyaha badan, xukuumada Emaual Maccron ayaana hadda u muuqata mid diirada saareysa geeska Afrika sida Jabuuti oo ay ku leedahay saldhiga ugu weyn ee qaarada, maadaama ay kusoo fashilantahay wujuudkii ay ku lahayd galbeedka Afrika.
FAAFREEB PRO