Ciidanka Itoobiya oo Dhac ka Geestay Gobolka Liibaan ee Dhulka Soomaali-Galbeed,

Jan 4, 2025

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan booliska federaaliga ah ee saliibiyiinta Itoobiya ay dil iyo dhac baahsan ka gaysteen deegaan hoostaga gobolka Liibaan.

Dhacdadaan ayaa laga soo tabiyay degmada Deka Muus oo ka tirsan gobolka Liibaan, dadka deegaanka ayaa shalay ku waabariistay ciidamo fara badan oo ka tirsan Boolis federaaliga xabashida, gaar ahaan kuwa Finaasta loo yaqaan ee ku caan baxay boobka hantida dadka Soomaaliyeed.

Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in ciidankaasi ay gaadiid nooca xamuulka ah lasoo galeen degmada, ciidanka Finaasta xabashida ayaa u dhacay bakhaaro ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, si ay halkaasi uga rartaan raashinka iyo hantida tiillay xarumaha ganacsi ee ay u dhaceen.

Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in dadka shacabka ah ay caro xoogan ka muujiyeen tallaabada ciidamada xabashidu ku boobayeen hantida dadka rayidka, taasi oo keentay bannaanbax kooban oo ay ka sameeyeen gudaha suuqa degmada Deka Suuf.

Ciidanka nasaarada xabashida ayaa rassaas oodda kaga qaaday dadkii isku soo baxa ka dhigay magaalada, waxayna taasi keentay geerida hooyo afar caruur ah haysatay iyo dhaawac saddex xubnood oo kale, sida lasoo wariyay.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka, maamulka ashahaada la dirirka ee xabashida ugu magacaaban degmada ayaa sheedda sare ka daawanayay ficillada ay ku kacayeen ciidanka Finaasta.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa boobka hantida shacabka Soomaaliyeed u samaysatay ciidamo gaar ah oo shaqadoodu tahay boobka hantida ummadda ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed, waxaana ka mid ah ciidamadaasi kuwa Finaasta loogu yeero ee dhaca xoolaha nool ee la dhaqdo iyo raashinka, si ay u dhacaanna waxay ku shaabbadeeyaan hanti Kontorabbaan ah.