Wararka ka imaanaya Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida ay xoog kula wareegeen boqolaal gaadiid ah oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed.
Milkiilayaasha hantida ladhacay oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida ee loo yaqaan Jibriga ay dhaceen inkabadan 200 oo gaadiid ah.
Ganacsatadan hantidooda ay qaateen ciidamada xabashida Itoobiya ayaa uga digay qurba joogta kasoo jeeda soomaaligalbeed iyo ganacsatada in aysan hantidooda gelin deegaanka sababa laxiriira Itoobiyaanka oo horor ku ah hantida shacabka soomaaliyeed.
Boqolaal qoys oo kamid ah dadkii ay noloshoodu ku tiirsaneed gaadiidka ladhacay ayaa iskusoo baxyo ka dhigay magaalada Jigjiga waxayna ku baaqayeen in Itoobiyaanka lagasoo dhicyo hantidooda.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa hirgelisay laba ciidan oo shaqadoodu tahay boobka hantida kuwaas oo lagu kala magacaabo Finaas kuwaas oo qaabilsan boobka xoolaha ladhaqdo ee shacabka iyo Jibriga oo ah kuwa qaabilsan boobka hantida noot-ka sida gaadiidka iyo lacagta naqdiga ah.