Joornaalka Politico ayaa daabacay warbixin ku saabsan sirdoonka Kuuriyada Koonfureen oo ku warramay in furimaha dagaalka Ukrain ay ka insixaabeen ciidanka Kuuriyada Waqooyi ee ka barbar dagaallamayay kuwa Ruushka in muddo ahba.
Waxa uu sirdoonka xukuumada Seoul uu intaas ku darayaa iney sameeyeen baaritaano dheeri ah iyo waxyaabaha sababay arinkan balse nasiib darro ay waayeen xogo dheeri ah iyo sababta uu Putin uga saaray dagaalka ciidanka Kuuriyada Waqooyi.
Warbixinta jariirada ayaa intaasi ku dareysa in askarta Kuuriyada Waqooyi markii ugu horeysa si gaar ah looga saaray goobta ay dagaaladu qaraar ka socdaan ee gobolka Kursk, waana tan iyo bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo.
Ciidanka xukuumada Pyongyang ayaa si aad ah loogu feentay fagaarayaasha dagaalka tan iyo markii ay kusoo biireen dagaalka 3 sano ka dhax ololaya xukuumadaha Kyev iyo Moscow, waxaana hada lagu waramayaa in Kim Jon Un uu dani u arkay in askartiisa uu lugaha uga saaro halaaga daran ee ay kala kulmayaan furimaha dagaalka Ukrain.
FAAFREEB PRO