Ciidanka Yahuuda 274 Ku Dilay Duqeymo uu Maanta Ka Fuliyay Lubnaan.

Sep 23, 2024

Diyaaradaha dagaalka maamulka gumaystaha Yahuuda ayaa maana in kabadan 800 boqol oo duqeyn waxay ka fuliyeen dalka Lubnaan, kuwaas oo ay ku dhinteen dad boqolaal ah.

Wasaarada Caafimaadka xukumada Bayruud waxay sheegtay in dhimashadu ay gaarayso 274 qof.

Dhaawacyada ayaa kor udhaafaya inkabadan 1000 kun ruux, tanina ayaa horudhac u ah dullaan yahuudu ay qorshaynayso in ay ku qaado Lubnaan.

Taliska ciidanka Yahuuda wuxuu sheegay in duqeymihii uu fuliyay maanta badankood uu ku beegsaday saraakiisha uruurka isugu yeeray Ixsbullaah ee Iiraan hoostaga.